Skip to content

Dibad bax ka dhacay Nairobi iyo Mucaadka oo hanjabay

By isxaaq Rashiid Booliska dalka Kenya ayaa sunta dadka ka ilmeysiisa u adeegsaday si ay u kala eryaan dad u dhaq dhaqaaqa xuquuqul insaanka oo ku baaqaya in la sii daayo tobaneeyo qof oo lagu xiray dibadbaxyo looga soo horjeedo dowladda oo dhacay Jimcihii shalay.

 

Muuqaal la soo duubay ayaa muujinaya qiiqa sunta dadka ka ilmeysiisa ah oo laga arkayay gudaha saldhigga dhexe ee booliska ee magaalada Nairobi.

 

 

Dibad baxayaasha maanta waxaa ka mid ahaa guddoomiyihii hore ee maxkamadda sare Willy Mutunga.

 

Hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga ayaa ku baaqay dibadbaxyada Jimcaha oo looga soo horjeedo kororka canshuurta shidaalka iyo qiimaha maciishada.

 

Ugu yaraan hal qof ayaa lagu soo waramayaa in uu ku dhintay markii booliska ay ka jawaabeen mudaaharaadyadii ka dhacay Nairobi, Mombasa iyo Kisumu waxana la xiray dad gaaraya Illaa 28qof .

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top