By isxaaqRashiid Israa’iil ayaa duqeyn naadir ah oo ay ka fulisay caasimadda Lubnan ee Beyruut…
Dibad-bax weyn oo ka dhacay GEDO + ujeedka
By Abdinajib Abdullahi
Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan gobolka Gedo ayaa maanta dhigay dibad-bax cabasho ah, waxayna isugu soo baxeen degmada Beledxaawo, iyaga oo socdaal ku tegay agagaarka xadka dalka Kenya.
Dibad-baxaan ayaa ujeedkiisa waxa uu ahaa mid looga soo horjeeday in la boobo doorashada kuraasta 16-ka kursi ee taalla Garbahaarey.
Shacabka dhigayey dibad-baxa oo ahaa kuwa careysan ayaa ku qaylinayey erayo ay ka mid yihiin, Musuq-maaquq doonimeyno, Dollar qaate Dooni meyno iyo erayo kale.
Qaar ka mid ah dibad-baxayaasha oo la hadlay Warbaahinta ayaa ku eedeeyey maamulka Jubbaland oo garab ka helaya Kenay inay hortaagan yihiin doorashada gobolka Gedo.
Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in Garbahaarey ay nabad tahay, isla-markaana ay ka dhici karto doorasho xor iyo xalaal ah.
Ugu dambeyn dibad-baxayaasha ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya iyo guddiyada doorashooyinka, iyaga oo ka dalbaday in aysan u Hogaansamin go’aanka Jubbaland.
Doorashada Garbahaarey ayaa waxaa hareeyey murano xoogan, iyada oo weli is mari-waa uu ka taagan yahay, sida loo wajahayo doorashadaas oo ka mid ah Golaha Shacabka.
Si kastaba, xaaladda ayaa kasii dartay markii dhowaan Jubbaland ay shaacisay in doorasho aysan ka dhici karin Garbahaarey oo ah deegaan doorashada labaad ee maamulkaasi.
xaquuqda weydhowrantahay:Boudless media