By isxaaq Rashiid Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto madaxweyne uu Cafis Guud u…

Dowlada Kenya oo talaabo culus qaaday ka dib digniintii ka soo baxday Mareykanka
By abdinajib abdullahi
Kenya(Boundless media)
Waxaa heegan sare la galiyay ciidamada ammaanka ee waddanka Kenya kaddib markii ay soo baxeen warar sirdoon oo sheegaya inay suuragal tahay in dalka uu ka dhaco weerrar argagixiso.
Saraakiisha amaanka ayaa sheegaya in heegan sare la geliyey laamaha amniga iyadoo laga feejigan yahay weeraro argagxiso oo digniin laga bixiyey.
“Waxaanu qaadnay talaabooyin lagu xoojinayo amniga, dhamaan laamaha amaanka dalka aya ku jira heegan sare iyo feejignaan sare” ayuu yiri sarkaal ka tirsan Booliska dalkaas.
Khamiistii ayey aheyd markii dowladda Mareykanka ay soo saartay digniin dhanka ammaanka ah oo ay u dirtay muwaadiniinteeda ku nool Kenya, saacado kaddib markii mas’uuliyiinta waddankan ay shaaciyeen magacyada shan qof oo loo doondoonayo xiriir ay la leeyihiin ururka Alshabaab.
Safaaradda Mareykanka ee dalka Kenya ayaa ka digtay suuragalnimada weeraro argagixiso oo ka dhaca magaalada Nairobi
Qoraalka digniinta ah ee ay safaaraddu soo saartay ayey ku sheegtay in kooxaha argagixisadu ay qaadi rabaan weerar ay la beegsanayaan goobaha ay dadka badan iskugu yimaadaan gaar ahaan kuwa ajaanibka ah iyo dalxiisayaasha ku sugan Nairobi iyo qaybaha kale ee Kenya.
Sidoo kale safaarada Mareykanka ayaa muwaadiniinteeda ku sugan Kenya ugu baaqday iney feejignaadaan, kana fogaadaan goobaha la iskugu yimaado.
Xaquuqda weydhowrantahay:Boundless media