Skip to content

Dowladaa Soomaaliya iyo Canada oo kawada hadlay labo arrin oo dalkeena dan u ah (Sawirro)

by abdinajib abdullahi

sharma shiikh (Boundless media)_Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa Magaalada Sharma Shiikh ee Dalka Masar waxa uu kulan miro-dhal ah kula yeeshay Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Canada Mr. Harjit Sajjan iyo masuuliyiintii la socotay.

Kulanka dhax maray labada wasiir ee Soomaaliya iyo Canada ayaa diiradda lagu saaray hannaanka isbadalka dib-u-habeynta Maaliyadda Soomaaliya iyo dhameystirka arrimaha deyn-cafinta iyo sidii Canada uga taageeri laheyd Soomaaliya deyn cafinta.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in uu kala hadlay Mr. Harjit Sajjan taageerada ay ka geysan karaan saameynta dhaqaale ee isbadalka cimilada oo Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka uu saameynta xoogan ku yeeshay.

Ra’iisul Wasaaraha  Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo Wasiirka Maaliyadda ayaa magaalada Sharm El-Sheikh ee dalka Masar kaga qaybgalaya shir Madaxeedka sanandlaha ee Bangiga Horumarinta Afrika oo  ka furmay magaaladaasi.

xaquuqda weydhowrantahay:Boundless media

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top