By Abdinajib Abdullahi (Boundless media)_Istraatiijiyada dalalka reer galbeedku ka lee yihiin dalalka kale ee danahoodu…

Dowladda Ayaa shaacisay tirada dadka loo heysto eedda musuq maasuqa
By isxaaq Rashiid Sida uu xaqiijiyay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka saddaxdii bil ee lasoo dhaafay waxaa uu ku guuleystay in uu baaris ku sameeyo ku dhawaad afartan ruux oo ku eedeysan in ay ku kaceen falal isugu jira Musuq-maasuq, xatooyo xoolo dadweyne, ku tagrifal awoodeed iyo dayacaad masuuliyadeed.
Afartanka Ruux ee baarista lagu sameeyay ayaa dhammaantood ah saraakiil dowladeed, waxaana 18 eedaysane loo gudbiyay eedoodda Maxkamadda awoodda u leh, tirada dhiman ayaa wali waxaa ku socdo Baaris dheeri ah, waxaana marka ay soo dhamaato baaristu loo gudbin doono Maxkamadda awoodda u leh.
Xafiiska Xeer ilaalinta Qaranka ayaa dhawaan shaaciyay in 9 qof oo loo heysto eedo la xiriira musuq maasuq ay dalka ka baxsadeen, kuwo kalena xiran yihiin.
This Post Has 0 Comments