
Dowladda ayaa sheegtay in howlgal gaar ah aay ku dishay xubno As ka tirsan
Howlgalka ayaa sigaar ah waxaa ay Ciidamada uga fuliyeen deegaanka Jameeco ee Gobolka Baay, halkaas oo sida ay sheegeen Saraakiihsa Ciidamada ahayd goob ay doonayeen inay ku cuna qabateeyaan Shacabka ku nool Gobalkaasi Baay.
Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed qeybta 60aad ayaa sheegay in howlgalka lagu dilay 15 katirsan AS, sidoo kalena lagu fasaxay gaadiidkii dadwaynaha ee ay halkaas ku xanibeen.
Sidoo kale Saraakiisha Ciidamada waxaa ay hadalkooda intaasi kudareen in gowlgallada ay noqon doonaan kuwo sii socda ilaa iyo inta cunaqabateynta ay saareen AS laga qaadayo Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.
Waa hawlgalkii labaad oo ciidanka xoogga dalka muddo 24 saac gudahood ka sameeyaan wadadaan isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo gaar ahaan inta u dhaxaysa Leego iyo Buurhakaba, halkaas oo AS ay isku dayaysay in ay ku xanibaan gaadiidka dadwaynaha ay galaya Magaalada Baydhabo.
Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa degaano iyo degmooyin katirsan Gobolada dalka Somaaliya, waxaa ka dhacayay howlgallo xoogan oo ay fulinayeen Ciidamada dowladda, waxaana howlgalladaas ay dowladddu sheegtay in lagu dilay Xubno badan oo katirsan AS
This Post Has 0 Comments