skip to Main Content

Dowladda kenya oo maanta billaabaysa inay dhallinyarada ka tallaasho COVID19

By abdinajib abdullahi

Waxaa laga billaabo maanta la guda galayaa in tallaalka ka dhanka ah cudurka COVID19 gaar ahaan nooca loo yaqaano Pfizer la siiyo dhallinyarada ay da’doodu u dhexeyso 15 ilaa 18 sano.
Waxaa ka faa’iidaysanaya qiyaastii 5.7 milyan oo qof.
Madaxa guddiga ay dowladda dhexe u xilsaartay qaybinta dawooyinka COVID19 Dr. Willis Akhwale ayaa sheegay in da’yarta aan la siin doonin noocyada kale ee tallaalka.
Tani ayaa timid ka dib markii guddiga dawooyinka iyo ka hor tagga waxyaabaha sunta ah ee dalka uu arrinkan ansaxiyay.
Waxaa uu qorshuhu yahay in ilaa 4 milyan oo dawooyinka tallaalka ah la gaarsiiyo dhallinyarada qaangaaraya .
Kenyaanka ayaa lagu boorriyay inay sii wadaan u hoggaansanka tallaabooyinka lagu xakameynayo faafitaanka caabuqa corona sida qaadashada afxirka, kala fogaanshaha,gacmo dhaqashada iyadoo la isticmaalayo gacmo nadiifiyaha
Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa ku talisay in tallaalka Pfizer la siin karo wixii ka wayn 12 sano.

xaquuqda weydhowrantahay:Boudlesa media

Back To Top