skip to Main Content

Dowladda Kenya oo Madaxweyne Xasan kala hadashay kordhinta Jaadka la geeyo Soomaaliya

By abdinajib abdullahi

kenya(Boundless media)

Dowladda Kenya ayaa dooneysa in sare loo qaado jaadka ganacsi ahaan u geyso Soomaaliya, xilli heshiisyo horey u gaareen dowladaha Soomaaliya iyo Kenya uusan u fulin sidii la rabay.

Wasiirka Wasaaradda Beeraha ee dalka Kenya,  Hon.Mithika Linturi ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa Twitterka ku shaaciyay in kulan uu madaxweyne Xasan Sheekh kula yeeshay magaalada Roma kala hadlay kordhinta jaadka ay Soomaaliya u dhoofiyaan.

Waxa uu sheegay wasiirka in labada dowladood ee Soomaaliya iyo Kenya looga baahanyahay in ay meesha ka saaran caqabadaha ganacsi ee hor istaaga kobaca ganacsiga khaatka ay u dhoofiyaan Soomaaliya.

“Waxaan  kulan wada tashi ah kula yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Maxamuud oo ka qayb galay shirka 46-aad ee Golaha Maamulka Horumarinta Beeraha Adduunka (IFAD). Waxaana hiigsaneynaa in aan kordhino dhoofinta khaatka ee loo dhoofiyo Soomaaliya iyo dalalka kale, sidoo kalana aan meesha ka saarno caqabadaha ganacsi ee hor istaaga kobaca warshadaha jaadka.” Ayuu wasiirka  ku yiri qoraalkiisa.

Soomaaliya iyo Kenya ayaa horey ugu heshiiyay in ay is dhaafsadaan ganaciga ayna Soomaaliya usoo dhoofiso Kenya Kalluun, halka Kenya iyana Soomaaliya u dhiifiso jaad, waxaana Kenya maalin kasta Soomaaliya u dirtaa Jaad aad u badan, halka Soomaaliya aysan Kenya waxba usoo dhoofin.

xaquuqda weydhowrantahay:Boundless media
Back To Top