skip to Main Content

Dowladda oo 30 cisho ku kordhisay muddada bandowga habeenkii

By Abdinajib Abdullahi

Dowladda ayaa muddo 30 cisho ah ku kordhisay muddada bandowga habeenkii ka jiro guud ahaan wadanka.
Bandowga ayaa shaqeeya inta u dhexeysa 10-ka habeenimo ilaa 4-ta aroornimo.
Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mutahi Kagwe ayaa sheegay in amarkan uu ka dhaqan galaya guud ahaan wadanka.
Waxaa uu sheegay in heerka uu cudurka Covid19 ku faafaya uu wali sarreeya islamarkaana loo baahan yahay tallaabooyin dheeraad ah oo lagu xakameynayo.
Waxaa dhanka kale wali mamnuuc ah kulamada dadweynaha, iyadoo sidoo kale baararka iyo goobaha laga cunteeyo la xirayo 9-ka fiidnimo, halka aroosyada iyo aaska ay kaliya ka qayb gelin karaan 100 qof.
Mr. Kagwe ayaa sheegay in wasaaradda caafimaadka ay ka faa’iideysan doonto muddada 30-ka cisho ee xayiraadahaan inay ku tallaasho dad badan taas oo u gogol xaareyso in dhaqaalaha wadanka guud ahaan dib loo furo.
Tani ayaa imaanaysa iyada oo tirada guud ee dadka uu haleelay cudurka COVID-19 gudaha Kenya ay tahay 250,114 qof, sida ay shalay shaacisay wasaaradda caafimaadka ee dalka.
Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa hadalkan ka jeediyay xarunta golaha warbaahinta dalka ee MCK intii lagu guda jiray daahfurka xariirka xogta Online-ka ee COVID-19 oo loogu talagalay xirfadleyda warbaahinta dalka.

xaquuqda weydhowrantahay: Boudless media

Back To Top