By isxaaq Rashiid Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto madaxweyne uu Cafis Guud u…
Dowladda oo dhameystiraysa mashaariicda waddooyinka ee Waqooyi Bari
By abdinajib abdullahi
Nairobi(Boundless media)
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa ballan qaaday in maamulkiisa uu dadaal ku bixin doono dhameystirka mashaariicda dhanka waddooyinka ee Waqooyi Bari ee uu hakadka ku yimid.
Waxaa uu hoggaamiyaha dalka sheegay in la billaabay dhismaha waddada u dhexeysa Kula Mawe oo ka tirsan ismaamulka Isiolo iyo magaalada Madogashe ee ismaamulka Garissa.
Waxaa uu xusay in labo ilaa saddex bilood gudahooda la billaabi doono dhisidda waddada xiriirisa Ceelwaaq iyo Rhamu oo ka tirsan Mandera oo sida uu madaxweynaha sheegay ah ilaa 140 kiilomitir.
Hoggaamiyaha dalka ayaa carrabka ku adkeeyay in maamulkiisa ay ka go’an tahay in qaybaha kala duwan ee wadanka si siman loo horumariyo.
xaquuqda weydhowrantahay:Boundless media
This Post Has 0 Comments