Skip to content

Dr Abdullahi ali barre oo war ka soo saaray maamulka cusub ee waqooyi Bari

Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa xalay noqotay xarunta rasmiga ah ee maamul cusub oo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay ku dhawaaqday, looguna magac daray Maamulka Waqooyi Bari Somalia.
Maamulkaan cusub ayaa ka kooban afar gobol oo kala ah Sool, Sanaag, Cayn iyo Togdheer, iyada oo magaalada Laascaanood laga dhigay caasimadda maamulkaas.
Qorshahan ayaa ka dhashay shir weyn oo muddo siddeed maalmood ah ka socday Laascaanood, lagana qaybgeliyay 417 ergo oo ka kala yimid gobollada Sool, Sanaag iyo Magaalada Buuhoodle, Waxaa lagu ansixiyey Dastuurka KMG ah, magaca maamulka cusub, iyo caasimaddiisa.
Waxaa la shaaciyay in baarlamaanka cusub ee maamulka Waqooyi Bari uu ka koobnaan doono 83 xildhibaan, kuwaasoo lagu soo xuli doono doorasho dadweyne.

Dr Abdullahi ali barre Musharax madaxweynaha Jubbaland ayaa si isla xalay ka falceliyay talabadii lagu aqoonsaday maamulkaasi cusub isgooba war uu ka so saaray ku bogaadiyay

Waxuna yiir Waxaan u hambalyaynayaa shacabka Dowlad Gobaleedka Waqooyi Bari, Somaaliya, oo si buuxda dhidibada loogu aasay. Waa talaabo taariikhi ah oo wax wayn ka badalayso noolasha bulshada reer Waqooyi Bari iyo dowlad dhiska Somaaliya. #SomaliaHanoolato. #WaqooyiBariState.

Dowladda Federaalka ayaa dhankeeda ku ammaanay dadaalka, wada-tashiga iyo nabadeynta ay hormuudka ka yihiin SSC-Khaatumo iyo Maakhir, waxaana lagu wargeliyay in tallaabooyinka xiga ay noqon doonaan xulista baarlamaanka, doorashada madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.

Maamulka Waqooyi Bari ayaa hadda si rasmi ah u bilaabaya wejigiisa cusub ee dowlad-dhisidda, iyadoona dhawaan la guda gali doono wejiga labaad ee dhameystirka maamulkaasi.

Back To Top