By isxaaq Rashiid Ra’iisul Wasaaraha XukuumaddaFederaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa dhagax dhigay xarunta Wasaaradda…
DrAbdullahi ali musharaxa madaxweynaha Jubbaland oo hambalyo ku aadan 1luulyo u diray bulshada Soomaliyeed
By isxaaq Rashiid Maanta waa maalin weyn:
1960 ki, 1dii Luulyo, oo hadda laga joogo mudo 64 sano ah, ayaynu qadanay oon u dabbaaldegnay xoriyaddeenna.
Qofkasta oo Soomaali ah waa maalin ku weyn, waa maalin mudan in la xuso, lana weyneeyo.
Inkasta oo aan helnay xoriyaddeenii haddana sidii aynu filaynay inooma nogon. Midnimadeenii
ayaa kala dhantaalan, dowladimadeenii dib udhac ayaa ku yimid, dalku si buuda uma dhismin,
dadkuna waxbadan ayay tabayaan. Waxaa loo jeel qabaa in la helo xoriyad taam ah; xoriyad nabadeed, mid dhaqaale iyo mid siyaasadeed. Maanan helin, dadkeenuna ma haystaan ammaan buuxa, caafimaad, waxbarasho iyo dhammaan nolosha aasaasiga ah.
Sanad kasta oo curtaa waxa uu rejo iyo iftiin u yahay bulshada soomaaliyeed oo naawilaya in la daboolo baahiyahooda aas-aasiga ah iyo in ay arkaan isbeddel ka duwan kalkii hore ee ay ka gudbeen. Cida laga doonayo in ay daboosho baahidaas waa hogaanka siyaasadeed ee Soomaliya. In badan oo ka mid ah hogaamiyayaasha Soomaliyeed waxay quus badeen da’yarta Soomaaliyeed. Jiilal Soomaaliyeed ayaan fursad u helin in ay arkaan Dal Soomaliyeed oo mid ah ama dowlad gaarsiisan xuduudaha isla markaana u abuurta noolal iyo fursado la mid ah kuwa bulshooyinka kale.
Rejeda yo iftinka ay sugayaan bulshadeennu, waxa gaadhi kara aniga iyo adiga oo iskaashada.
Waxa aynu rabnaa in aynu helno amaan buuxa oo aan cabsi ka danbayn, iskuduubni aannay kala
qaybsanaan ka danbayn, wadajir aan wada joog la’aan a danbayn, horumar waara oo aannay dib udhac ka danbayn iyo iskufilnaasho aannay ku-tiirsanaani kadanbayn.
Annagoo mideysan aan aqijino sidii aynu xoriyaddeena uga dhigi lahayn mid buuda. Waxaan
awoodnaa in halkii aynu ku naaloonaynay 64 sano ka hor aynu gaadhno.
Ugu danbayn waxa aan u hambalyaynayaa shacab weynaha Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan. Sanadkan sanadkiisa ku gadha caafimaad, nabad iyo amni waara. Waxaan u ducaynaynaa halyeeyadeennii u dagaalamay in ay innaga qaadaan heeryada guumaysiga.
“Sarreeyow ma-nusqaamow aan siduu yahay eegno e, kaana siib kanna saar”.
-Abwaan Timacadde.
Ballanteenu waa horumar waara lyo isku duubnaan. Gacmo wadajir ayay wax ku gooyaan.
MUSHARAX MADAX WEYNE
JUBBALAND DR ABDULLAHI ALI
This Post Has 0 Comments