By isxaaq Daadad ayaa ka soo rogmadey magaalada Muqdisho kadib markii roobab culus oo socday…

Duqa muqdisho ayaa ka qeyb galay kulan waci galin ah
By isxaaq Rashiid Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo ay wehliyaan Kuxigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta, Kuxigeenka Howlaha Guud iyo Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir, ayaa caawa ka qeybgalay kulan Wacyigelin Bulsho oo lagu qabtay Degmada Xamarweyne.
Kulankaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa, Guddoomiyaha Degmada Xamarweyne Mudane Daahir Maxamed Axmed, Taliyaha Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Gobolka Banaadir, Taliye Kuxigeenka Qeybta Guud ee Booliska, Saraakiisha kala gedisan ee Laamaha Amniga, Odayaasha dhaqanka, Haweenka, Dhalinyarada iyo qeybaha kala gedisan ee Bulshada.
Duqa Magaalada Muqdisho oo khudbad dhinacyo badan taabaneesay ka jeediyay Munaasabadda, ayaa waxa uu sheegay in Maamulkiisa uu Bulshada Degmada Xamarweyne kala shaqeyn doonno horumarka Degmada, sida dib-u-dhiska Wadooyinka, Xarumaha danta guud ee loogu adeego Bulshada, Xarumaha Caafimaadka, Waxbarashada iyo kaabayaasha kale ee Muhiimka ah, Asigoona balan qaaday in dhawaan dib-u-dhis lagu sameyn doonno wadada Via Roma ee Degmada Xamarweyne.
Ugu danbeyn Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa waxa uu Bulshada kula dar-daarmay in ay doorkooda ka qaataan Horumarka Degmada, La-shaqeynta Laamaha Amaanka, La-dagaalanka Maandooriyaha iyo Bilicda si ay tusaale ugu noqoto Degmooyinka kale ee Magaalada Muqdisho.
This Post Has 0 Comments