Skip to content

Duqeeymo ka dhacay deegano ka tirsan kofurta mudug

By isxaaq Rashiid Warar dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan duqeymo diyaaradeed oo ka dhacay degaano kuyaalla Koonfurta Gobolka Mudug ee dowlad Goboleedka Galmudug, halkaas oo ay u sugnaayeen Xubno katirsan AS

Saaxiibada Caalamiga ah oo kaashanaya ciidamada xoogga dalka ayaa duqeyn ka fuliyay duleedka degaanka Dhagax-dheer ee Koonfurta Gobolka Mudug, waxaana la sheegay in duqeynta ay ka dhasheen khasaarooyin kala duwan.

Saraakiil katirsan laamaha Amniga Soomaaliya ayaa sheegay in duqeynta lagu dilay Xubno badan oo katirsan Ururka AS  laguna burburiyay Xarumo ay ku sugnaayeen AS

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Koonfur Gobolka Mudug ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa degaanka ay halkaasi ka wadaan howlgallo xoogan, isla markaana ay ku dhow yihiin inay la wareegaan degaanka Caad.

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top