By isxaaq Rashiid Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto madaxweyne uu Cafis Guud u…
EACC oo xirtay laba qof oo ku eedeysan in ay lalush ka qaaten dhalinyaro doneysay ku biirista KDF
By Ayanle Dhiire
Guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC laantiisa dowlad deegaanka Malindi ee ismaamulka Kilifi ayaa xiray labo qof oo laalush ka qaatay mid ka mid ah dhallinyarada doonaya inay ku biiraan barnaamijka qorista ee ciidamada difaaca dalka ee KDF-ta.
Labada qof ee la xiray ayaa iska dhigayay inay awood u leeyihiin in dhallinyarada ay u fududeeyaan ku biirista saraakiisha ciidamada gaashadhigga ee wadanka.
Shakhsiyaadkan ayay magacyadooda guddiga EACC ku sheegtay Saalim Maxamad iyo Fredrick Hamisi Baya.
Waxaa lacag dhan 250,000 shilin ka qaateen mid ka mid ah dhallinyarada ka qaybgalaya barnaamij qorista ee ciidamada diifaca ee KDF-ta, kaas oo dhacdadan ku wargeliyay laamaha ammaanka,
Madaxa guddiga EACC u qaabilsan arrimaha isgaarsiinta Eric Ngumbi ayaa oo dhacdadan xaqiijiyay ayaa sheegay in eedeysanayaasha su’aalo lagu weydiiyay xarunta guddigan ee deegaanka Malindi.
Waxaa uu intaasi ku daray in eedeysanayaasha ay caawa hooyan doonaan saldhigga booliiska ee magaalada Malindi.
Audio Player
This Post Has 0 Comments