By isxaaq Rashid Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya , Xasan Macallim Maxamuud oo…
Eedeysanayaal uu ka mid yahay agaasimaha guud ee KEBS oo maxkamad la soo taagay
By Ayanle (Boundless Media)
Waxaa shalay maxkamad ka soo hormuuqday agaasimaha guud ee waaxda dowladda dhexe u qaabilsan xaqiijinta tayada badeecooyinka ee (KEBS) Benard Njiraini iyo toddobo eedeysanayaal oo kale waxayna kala yihiin Joseph Kiagu, Derrick Njeru, Peter Njoroge , Crispus Waithaka,Maxamad Xasan, Cabdi Yuusuf iyo Pollyanne Njeri.
Shakhsiyaadkan ayaa dhammaantood iska fogeeyay dacwad lagu soo oogay oo ahayd inay xadeen ka dibna ay suuqa geliyeen sonkor dhacday oo sanado ka hor la qabtay.
Tuhmanayaasha ayaa la soo taagay maxkamadda Milimani ee magaalada Nairobi.
Ka dib markii ay iska fogeeyeen dacwadda loo haysto ayay maxkamadda ku siidaysay min 400,000 oo damaanad lacageed ah iyo qof lagala xiriiri karo.
Garsoore Lucas Onyina ayaa mid waliba oo eedeysanayaasha ka mid ah u oggolaaday haddii uunan lacagta caddaanka ah hayn inuu soo bandhigo damaanad qiimaheedu yahay 800,000 oo shilin.
Saraakiisha waaxda dacwad oogidda ayaa dhankooda sheegaya in Siddeeda qof ay dembiga lagu soo oogay galeen intii u dhexeysay 9-kii bishii 12-aad ee sanadkii hore ilaa 3-dii bishan.
Waxay intaasi ku dareen in sonkorta laga helay bakhaar ku yaalla Makongeni oo ka tirsan deegaanka Thika intii u dhexeysay 21-kii bishii hore ilaa 3-dii bishan.
Maxkamadda ayaa amartay in kiiskan mar kale la soo hadal qaado 6-da bisha dambe ee June.
Xuquuqda wey dhawrantahay!
This Post Has 0 Comments