Skip to content

faah faahinno ayaa ka soo baxaya qarax ka dhacay deeganka ceelasha biyaha

by isxaaq rashiid Faah Faahino ku  soo baxay Qarax Ismiidaamni ah oo maanta ka dhacay degaanka Ceelasha biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho.f

Qarax ayaa loo adeegsaday Baabuur walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo lagu qarxiyay  Saldhig ay ciidamo ka tirsan Dawlada Federaalka ku leeyhiin degaanka Ceelasha biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Inta la ogyahay  10 qof ayaa ku geeriyootay halka in kabadana ay ku dhaawacmeen waxaana dadka ku geeriyooday Qaraxa ku jira Dad shacab ah oo ka gadhawaa goobta uu qaraxa ka dhacay .

Sidoo kale Qaraxa ayaa bur buriyay   Guryo Dad shacab ah ay leeyhiin oo ku yaala Agagaarka Saldhiga uu Qaraxa ka dhacay .

Hay’adaha Amniga Dawlada Federaalka illaa hadda ma aysan ka hadlin khasaaraha ka dhashay Qaraxa ka dhacay Ceelasha Biyaha oo mas’uuliyadiisa ay sheegteen Alshabaab .

 

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top