Skip to content

Faah faahino ka soo baxaya shil khasaare geeystay oo ka dhacay gobolka bari

By isxaaq Rashiid Hal qof ayaa ku dhintay 8 kalana dhaawac ayaa soo gaaray ka gadaal shil Gawaari oo ka dhacay soone Xangee oo u dhow degaanka Qayaadsame  oo hoostaga degmada Carmo ee Gobolka Bari.

Shilka ayaa ka dhashay iskudhaca gaari Bas ah iyo Gaariga loo yaqaanno  ( Candho-meydle ) oo ah gawaarida waaweyn waxaana dhaawacyadii loo qaaday degmada Carmo sida ay la wadaageen Taliska guud ee ciidanka ilaalada wadooyinka Puntland .

Bilihii la soo dhaafay ayaa waxaa degaannada Puntland ku batay shilalka gaari oo ay ka dhashaan khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top