Skip to content

Faah faahino ka soo baxaya Xiisad dagaal oo ka taagan galbeedka gobollka Mudug

By isxaaq Rashiid Xaalada degaan Jiic boor ee gobolka Mudug ayaa weli kacsan halkaas oo ay ka taagan tahay xiisad dagaal.

In ka badan 20 ruux ayaa ku geeriyootay halka 40 kalena ay ku dhaawacmeen dagaal laba maleeshiyo beeleed uu ku dhexmaray degaankaas.

Labada Maleeshiyo ee ku dagaalantay degaankaas ayaa ka soo kala jeeda  Bandiiradley iyo Goldogob oo ka wada tirsan gobolka Mudug.

Dagaal u dhexeya labada maleeshiyo beeleed ayaa salka  ku haaya sida wararku ay sheegayaan Dad rayid ah oo isugu jira Haween iyo Caruur oo laga  qafaashay degaankaasi .

Ma jirto illaa hadda cid soo kala dhex gashay maleshiyaad ku dagaalamay degaanka Jiicboor ee galbeed gobola Mudug waxaana weli halkaas ka taagan xiisad dagaal.

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top