Skip to content

Faah Faahino kala duwan ayaa ka soo baxaya Dagaal As iyo ciiamada Jubbaland ku dhex maray gedo

By isxaaq Rashiid Wararka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya Xubno ka Tirsan Al-Shabaab ay weerareen degaanka Geriley ay Fariisimo ay ku leeyihiin Ciidaamadaa Daraawiish Jubland oo kana mid ahaa saldhigyadii ay Wareejiyeen ciidamada Hawgalka ATMIS ee ka socda Dalka Kenya .

 

Alshabaab ayaa la sheegay in Weerar ku bilowday Hub Culus ay ku qaadeen Saldhigaasi oo ay ku sugnaa yihiin Ciidamada Daraawiishta Jubland waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo Dhaawac

 

 

Wasiirka Amniga Jubland Yuusuf Xuseen Cismaan Dhuumaal oo ka hadlayay Weerar Alshabaab ay ku soo qaadeen Halkaas ayaa sheegay in Ciidamada Jubland ay iska caabin kala hortageen Xubnihii Alshabaab ee weerarka soo qaaday laguna gaarsiyay dhimasho iyo dhaawac.

 

Sidoo kale , wasiirka Amniga Jubland Yuusuf Dhuumaal ayaa sheegay in Ciidamada Jubland Hal Askari kaliya uu uga dhaawacmaay Weerarkaas waa sida uu yiri’.

 

Ma jirto Cid Madax banaan oo xaqiijin karta khasaaraha Rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkii xalaay ka dhacay degaanka Geriley ee gobolka Gedo.

 

Degaanka Geriley oo ka tirsan gobolka Gedo ayaa la sheegay inay weli gacanta ku hayaan ciidamada Jubaland iyo kuwa xoogga dalka.

 

Hase ahaatee’ Alshabaab ayaa maalmahaan kordhisay weerarada ay ku qaadayaan fariisimaha Ciidamada dawlada Federaalka iyo kuwa degaanka ay ay ku leeyihiin gobolada dalka.

 

 

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top