skip to Main Content

FARMAAJO oo war kasoo saaray dagaallada Boosaaso

By Abdinajib abdullahi

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo dagaallada magaalada Boosaaso ee u dhaxeeya ciidamada PSFee uu hoggaamiyo Jeneraal Maxamuud Cismaan Diyaano iyo kuwa maamulka Saciid Deni.

Qoraal kasoo baxay madaxtooyada ayaa lagu yiri “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa uu ka tiiraanyaysan yahay shaqaaqada iyo dagaalka ka socda magaalada Boosaaso, kaas oo sababay dhimasho, dhaawac, burbur hantiyeed iyo barakac muwaadiniin aan waxba galabsan. “

“Madaxweynaha oo ku kalsoon xilkasnimada iyo garashada isimada, odayaasha dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, wuxuuu ku baaqayaa in si degdeg ah loo joojiyo gacan ka hadalka, lana abbaaro dhabbaha nabadda si loo helo xal waara.”

Farmaajo ayaa tacsi u diray ehelada iyo qaraabada dadkii ku geeriyoodey shaqaaqadan laga maarmi karey, wuxuuna dadkii ku dhaawacmay Alle uga baryay inuu degdeg ugu booga dhayo.

“Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu dhiirrigelinayaa dadaallada nabadaynta iyo wadahadalka ku dhisan ee ay wadaan isimada iyo dhaqanka Puntland ee u istaagay sidii loo joojin lahaa shaqaaqadan, looguna danayn lahaa xasilloonida deegaanka iyo danta bulshada reer Puntland,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Dagaallada Boosaaso ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 14 qof, waxaana ku dhaawacmay tobannaan kale, waxaana ka dhashay baakac xaafadaha qaarkood.

Dagaalka ayaa istaagay shalay kadib markii xabbad joojin uu ku dhowaaqay Wasiirka Amniga ee Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Boosaaso, taasi oo sidoo kale ay aqbaleen PSF.

xaquuqda weydhowrantahay: Boudless media

Back To Top