skip to Main Content

Faysal Cali Waraabe “Sidii dadka loo raafay si qurux badan ma ahayn, waan cambaaraynayna qaabka loo maamulay”

By Abdinajib Abdullahi

Iyadoo dhawaan Jamhuuriyadda iskeed isugu dhawaaqaday madaxbannaanida ee Soomaaliland ay boqolaal qof oo ka so jeeda koonfurta Soomaaliya ay ka musaafurisay magaalada Laasacaanood ee gobalka Sool ayaa waxaa soo badanaya mas’uuliyiinta cambaareeynaya tallaabadaas kuna tilmaamaya mid laga wanaagsanaa.
Mas’uuliyiinta arrintaa cambaareeyay waxaa ka mid ah Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID ee Soomaaliland Faysal Cali waraabe oo dhaliilay habka loo maray.
Waxaa uu sheegay in arrintaan ay ka dambeysay ka dib markii magalaada Laasacaanood ay ku soo bateen falalka amni darro oo sida uu sheegay keenay in dadka deegaanku ay dalbadaan in ay amnigooda hagaajistaan oo dadka aan u dhalan laga saaro.
“Dadkii degganaa deegaankaasi waxay yiraahdeen nabad galyadeenii khatar ayay ku jirtaa waxaan doonaynaa inaan hagaajisanno dadka ajanabiga hanalaga saaro” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.
Waxaa uu sheegay in dad la musaafuriyo aaney Soomaaliland ugu horeyn oo ay arrintaasi ka dhacdo meelo badan oo caalamka ka mid ah isaga oo tusaale u soo qaatay dalka Sacuudiga.
Habka loo maray musaafurinta dadkaan ka soo jeeda koofurta Soomaaliya ayaa guddoomiye Faysal Cali Waraabe wuxuu ku tilmaamay hab aan cilmiyaysneyn isaga oo muujiyay inuu ka xunyahay, waxaase uu dhinaca kale sheegay in Soomaaliland arrintaa xaq u leedahay.”Qaab maaha cilmiyaysan mid sharaf dil ah ayuu ahaa habka loo maray waan cambaareyay horeyna waan u cambaareeyay haddana waan cambaareynayaa “ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.
Waxaa uu intaa ku daray in dadka in la wada ciqaabo ma ahayn waxay ahayd in dadka lagu yiraahdo sharci ma lihidiina si wanaagsna u taga.
Tallaabadaan ay Soomaaliland dadka uga saartay magaalada Laasacaanood ee gobalka Sool waxaa cambaareyay dad kala duwan oo ay ku jiraan mas’uuliyiin ka tirsan maamullada koofur galbeed ee Soomaaliya iyo Puntland oo dadka laga soo daabulay Laasacaanood ku soo dhaweysay deegaannadeeda kuwaas oo ku tilmaamay wax aad looga xumaado sida dadkaas loola dhaqmay, hase yeeshee Faysal Cali Waraabe oo la waydiyay waxa arrintaan Soomaaliland u keeni karto ayaa sheegay in aysan waxaba u dhimi doonin maadama Soomaliland amniga deegaannadeeda ka shaqeynayso.
Hadalkaan Gudoomiyaha Xisbiga Ucid ee Soomaaliland ayaa imaanaya iyadoo ay isa soo tarayso tirada dadka laga musaafurinayo magaalada Laascaanood, oo kuwii ugu danbeeyey ay shalay galinkii dambe gaareen deegaanka Xarfo, oo u dhaxeeya deegaanka Burtinle iyo magaalada Gaalkacyo ee Puntland.
Dhanka kale, guddiga amniga ee magaalada Laascaanood, ayaa sheegay iney ka xun yihiin dadkaas dhawaan laga tarxiiley magaalada.
Guddiga ayaa intaa ku daray inaanan lagala tashan musaafurinta dadkaas, oo badankood la sheegay inay kasoo jeedaan deegaanada Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.
Caaqil Ismaaciil Cali Axmed, oo ah guddoomiyaha guddiga amniga, ayaa carabka ku dhuftey in gobolka Sool ee magaalada Laascaanood, ay Soomaali oo dhan ku nooshahay, oo aaney jirin Soomaali Soomaali ka xigta.
Waxaa uu xusay in ciidamada Somaliland ay baabuurta dadka lagu daabulayey ku saartay dadkii ay musaafurisay qori caaraddiis.

xaquuqda weydhowrantahay: Boudless media

Back To Top