Skip to content

Gobolka Afdheer _Abalmarino lasiiyay Dadkii sanad kahor dagalka Adag la galay Argagixisada Alshabab!

By Ayanle Dhiire 

Waxaa dalacsiin, abaalmarinno iyo shahaado-sharaf la guddoonsiiyay xubnihii sida fiican uga qayb’galay sifayntii argagixisada Al-shabaab ee soo gashay gudaha Deegaanka.

Madaxweynaha DDS, mudane Mustafe Muxummed Cumar, Hoggaanka Nabadgelyada, mudane Dayib Axmed Nuur iyo Komeshinerka Komeshinka Booliska DDS, Jenaraal Cabdi Cali Siyaad ayaa guddoonsiiyay dalacsiin, abaalmarinno iyo shahaado-sharaf Ciidamadii, shacabkii iyo maamulkii kaalinta weyn ka qaatay sifayntii argagixisada Al-shabaab ee iskudaygii dhicisoobay kusoo galay gudaha Deegaanka Soomaalida. Munaasibadda abaalmarinta ayaa ka dhacday duleedka tuulada Dharaaye ee degmada Qooxle ee gobolka Afdheer.

Madaxweynaha DDS, mudane Mustafe Muxummed Cumar oo xafladani abaalmarinta ka hadlay ayaa si weyn ugu mahad-naqay guud ahaan shacabka deegaanka gaar ahaana shacabka gobolka Afdheer oo kaalin muuqata ka qaatay fashilkii ku dhacay argagixisada isaga oo dhanka kalana uduceeyay ciidamadii naftooda uhuray difaaca shacabkooda.

Sanad ayaa kasoo wareegtay xiligii ay argagixisad Al-shabaab ku fashilantay damaacigeedii ay rabtay in ay ku carqaladayso nabadgelyada shacabka deegaanka balse ay si wada jir ah ufashiliyeen maamulka, ciidanka iyo shacabka deegaanka oo gacmaha is haysta islamarkaasina lagu tirtiray boqallaal argagixisada ah qaarkoodna ay noqdeen kuwa firxadkooda la qab-qabto!

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top