skip to Main Content

Golaha ammaanka ee QM oo laga codsaday inuu wax ka qabto xaaladda Belarus

By abdinajib abdullahi

Xubnaha golaha ammaanka ee qaramada midoobey ayaa lagu boorriyay inay tallaabo ka qaadaan habdhaqanka dowladda wadanka Belarus ka dib markii qaxooti tira badan ay dowladda dalkaasi u sahashay inay soo galaan dalkeeda iyaga oo uga sii gudbaya dhanka waddamada kale ee midowga yurub.
Midowga yurub ayaa ku edeeyay Belarus inay khatar galinayso muhajiriinta iyada oo ka leh dano siyasadeed.
Poland oo xudduud la leh Belarus waxay ku eedeysay madaxwayne Alexander Lukashenko in uu muhajiriin tiro badan oo ka yimid bariga dhexe ay dowladiisu u fududaysay inay soo galaan dalkeeda si ay ugu sii gudbaan dhanka Poland.
Madaxda midowga yurub iyo madaxwaynaha Belarus ayaa ah kuwo siyaasad ahaan si aad ah u kala fog.
Kumanaan qaxooti ah ayaa haatan gabaad ka dhiganaya teendhooyin ku yaala xudduudda labada dal ee Poland iyo Belarus ka dib marki is hortaag lagu sameeyay.
Shir degdeg ah oo ay ka yeesheen arrimahani waddamada reer galbeedka waxay ku cambaareyeen habdhaqanka dowladda dalka Belarus.

xaquuqda weydhowrantahay:Boudless media

Back To Top