Xildhibaan Ilhaan Cumar oo laga soo doorto gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka iyo madaxda kale…
Golaha iskuxidhka jamacadaha, Kuliyadaha iyo xafisyada degganka oo la Asaasay
By Ayanle Dhiire
Waxaa la aas-aasay Gollaha isku xidh-ka Jaamacadaha, Kulliyadaha iyo Xafiisyada Deegaanka.
Kulankan oo lagu qabtay madasha kulammada ee Garaad Maxammed Dool ee xarunta Madaxtooyada ayaa waxaa kasoo qayb’galay Madaxweynaha DDS, mudane Mustafe Muxummed Cumar, masuuliyiinta sare ee xukuumadda, kuwa jaamacadaha iyo marti sharaf kale.
Gudiga ayaa ka koob naan doona Xafiisyada dawladda, kulliyadaha dawlada, kuwa gaarka loo leeyahay, qurba joog iyo jaamacadaha Jigjiga, Qabri-dahar iyo Diridhabe
Madaxweynaha DDS Mudane Mustafe Muxumed Cumar ayaa sheegay in gudiga looga baahan yahay inay xooga saaraan afkaaraha wanaagsan ee dhanka waxbarashada iyo soo saarista cuddud waxbaratay oo aqoonyahan ah.
Guddiga ayaa ka shaqayn doona haggaajinta adeegyada waxbarashada. waxaana ugu danbayntii la aas-aasay Gollaha isku xidhka Jaamacadaha, Kulliyadaha iyo Xafiisyada Deegaanka
This Post Has 0 Comments