skip to Main Content

Golaha wadatashiga qaran oo xalay kulan ka yeeshay arrimaha doorashada Soomaaliya

By Abdinajib Abdullahi

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya Maxamad Xuseen Rooble ayaa xalay guddoomiyay kulan aalladda fogaan aragga ay ku yeesheen xubnaha Golaha Wadatashiga Qaranka ee wadankaasi.
War kooban oo kasoo baxay xafiiiska ra’iisul wasaaraha ayaa lagu sheegay, in Kulanka looga hadlayay dhameystirka howlaha doorashooyinka, xaaladda amniga iyo sidii wax looga qaban lahaa abaaraha ka jira gobollada dalka Soomaaliya.
“Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamad Xuseen Rooble ayaa xalay guddoomiyay kulan Golaha Wadatashiga Qaranku ku yeesheen habka fogaan aragga oo looga hadlay dhameystirka howlaha doorashooyinka, xaaladda amniga iyo sidii wax looga qaban lahaa abaaraha ka jira dalka Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiiska ra’iisul wasaaraha.
Kulanka golaha wadatashiga ayaa kusoo beegmaya xilli dowladda Maraykanka walaac xooggan ay ka muujisay geeddisocodka doorashada, iyadoo ku hanjabtay inay cunaqabatayn kusoo rogayso kuwa carqaladda ku ah geeddisocodka doorashada.
Si kastaba ha ahaatee, 16 cishe ah ayaa ka harsan wakhtigii loogu talo galay in lagu soo dhameystiro doorashada aqalka hoose ee baarlamaanka, waxaana weli harsan doorashada in ka badan 150 xildhibaan.
Waxaa la saadaalinayaa in doorashada wakhtigeeda dib uga dhacayso, marka loo eego muddada harsan iyo kuraaasta badan ee aan weli la dooran.

xaquuqda weydhowrantahay:Boudless media

Back To Top