Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa xalay noqotay xarunta rasmiga ah ee maamul cusub oo…

Golaha wakiilada Somaaliland oo gudoon cusub doortay
By isxaaq Rashiid Golaha Wakiilada Somaliland ayaa goordhow waxaa ay guddoomiyaha Golaha Wakiilada u doorteen Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir ( Faratoon) oo sidoo kale mar soo noqday Wasiirka Arrimaha guddaha Soomaaliland.
Guddoomiye faratoon ayaa 64 Cod waxaa uu kaga guuleystay Xildhibaan Maxamed Khadar Daahir oo la tartamay, kaas oo helay 3 Cod, waxaana guddoomiyaha cusub uu bedelayaa Guddoomiyihii Golaha Wakiilada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif oo is casilay.
Guddoomiyaha Cusub ee Golaha Wakiilada Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir ( Faratoon) ayaa u mahad celiyay 82 Xildhibaan ee Golaha Wakiilada Somaliland oo goobta fadhiyay, isaga oo sheegay in uu si wanaagsan ugu Shaqeyn doono.
This Post Has 0 Comments