By isxaaq Rashiid Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Maxamed Ibraahim Barre oo ku sugan degmada Walanwyen…
Golaha wasiirada kenya oo KEMSA ku Amray in Ay soo saaran Daawoyinka maxaliga Ah
By Ayanle Dhiire
Golaha wasiirrada ee dalka oo shalay shir ku yeeshay xarunta madaxtooyada yar ee Kisumu State Lodge ayaa go’aamadii uu soo saaray waxaa ka mid ahayd in maamulka qaabilsan soo iibinta iyo qaybinta agabka caafimaadka ee (KEMSA) lagu amray inuu mudnaanta koowaad siiyo sidii sare loogu qaadi lahaa in gudaha wadanka daawooyin lagu soo saaro marka loo barbardhigo in dibadda laga soo dejiyo.
Qoraalka waxaa ku cad in tani ay xoojin doonto wax soo saarka maxalliga ah.
Sidoo kale golaha wasiirrada ee dalka ayaa ansixiyay in la soo dhiso guddi iskudhaf oo heer wasiirro ah oo ku saabsan wada xaajoodyada laga galo heshiisyada hay’adda caafimaadka adduunka ee (WHO) ee la xiriira la tacaalidda cudurrada faafa.
Wasiirrada ayaa sheegay in tani ay fududeyn doonto in mustaqbalka lala tacaalo caqabado lala kulmay xilligii caabuqa COVID-19 gaar ahaan bixintii tallaalka.
Guddigan ayaa u ololeyn doono in la xoojiyo xeerka caafimaadka ee WHO iyo kuwa kale ee caalamiga ah si marka uu dillaaco cudur faafa ay waddamadu si siman ugu qaybsadaan tallaalka lagula tacaalo xanuunkaasi.
This Post Has 0 Comments