skip to Main Content

Golaha Wasiirada oo war kasoo saaray kacdoonka shacabka ee ka dhanka ah Al-Shabaab

By Abdinajib Abdullahi

Waxaa war-saxaafadeed laga soo saaray shirka golaha wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya, kaas oo lagu qabtay xafiiska ra’iisul wasaaraha dalka, Xamza Cabdi Barre oo shirka guddoomiyey.

Kulankan oo ay inta badan soo xaadireen xubnaha golaha wasiirada Soomaaliya ayaa waxaa diiradda lagu saaray qorshayaasha sugidda amniga, dar-dar galinta gurmadka abaaraha iyo barnaamijka geedi socodka deyn cafinta Soomaaliya.

Ugu horreyn waxaa kulanka warbixin looga dhageystay wasiiradda Amniga, arrimaha gudaha iyo maaliyadda, taas oo ku saabsan halka ay marayaan howlaha gurmadka lagu samata bixinayo shacabka Soomaaliyeed, iyo sida ay laga maarmaan u tahay in la sii xoojiyo gurmadka si loo badbaadiyo malaayiin ka mid dadkeena oo ay saameysay abaartu.

Wasiirka Amniga gudaha ayaa warbixintiisa ku soo bandhigay xog ku saabsan howl-galladii u dambeyay ee ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ay ka sameyeen dhinacyada sugidda amniga  dalka  iyo xasillinta deegaanada laga xorreeyo kooxda Al-Shabaab.

Golaha ayaa si gaar ah u boggaadiyey abaabulka Beelaha Soomaaliyeed ee ka dhanka ah Al-Shabaab, kana socdo gobollada Hiiraan iyo Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

xaquuqda weydhowrantahay:Boundless media

Back To Top