By isxaaq Rashiid Ra’iisul Wasaaraha XukuumaddaFederaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa dhagax dhigay xarunta Wasaaradda…
Golaha wasiirada xukumadda Soomaaliya oo shir deg deg ah ka yeeshay Meel marinta heshiis ku saabsan Difaac badda iyo dhaqalaha oo aay Soomaaliya la gaartay Turkiga
By isxaaq Rashiid Kulan Deg Deg ah oo ay Golaha Wasiirada Soomaaliya ay yeesheen Maanta ayay ku meel mariyeen Heshiis ku saabsan difaaca iyo dhaqaalaha oo ay Dowladda Soomaaliya la gashay Dowladda Turkiga 8da Bishaan Febraayo.
Heshiiskaan oo Magaalada Ankara lagu saxiixay ayaa waxa uu qaadan doonaa muddo 10 Sano ah sida ay wariyeen ilo muhiim ah oo warbaahinta u xaqiijiyay.
Waxaana Xoogga lagu saari doonaa mudada Heshiiskaan uu soconayo in Ciidamada Badda Turkiga ay ilaaliyaan Biyaha Soomaaliya oo ay damcisay Dowladda Itoobiya kaddib Is afgarad ay la gashay Maamulka Soomaaliland.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta kulanka aan caadi ahayn la qaadanaya Xildhibaannada Labada Aqal ayaa waxa uu kala hadli doona ay qeyb ka yihiin Heshiiskaan quseeya Difaaca Badda Soomaaliya ee dhowaan la saxiixay.
Wixii warar ah ee ku soo kordha halkaan kala socda.
This Post Has 0 Comments