By isxaaq Rashiid Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Maxamed Ibraahim Barre oo ku sugan degmada Walanwyen…

Guddiga cafimaadka ee Aqalka Sare ee kenya oo donnayo in missaniyada Dherrad Ah ah lasiyo ismamulada,
By Ayanle Dhiire (Boundless Media)
Guddiga aqalka sare ee dalka u qaabilsan arrimaha caafimaadka ayaa soo jeediyay in dhaqaale dheeraad ah loo qoondeeyo ismaamullada si loo xoojiyo daryeelka caafimaad.
Guddoomiyaha guddigan ,Jackson Mandago ayaa sheegay in dowladda dhexe iyo ismaamullada ay iska kaashan doonaan sidii mudnaanta koowaad loo siin lahaa adeegyada caafimaadka ee aasaasiga ah si loo xalliyo caqabadaha jira.
Senatarka ayaa hoosta ka xarriiqay in si loogu guulaysto barnaamijka caafimaadka guud ee UHC ay lagama maarmaan tahay in dowlad deegaannada ay helaan miisaaniyad dheeraad ah.
Waxaa uu tilmaamay in senatarrada aqalka sare ay ku dadaalayaan sidii tani looga dhabeyn lahaa.
Mandago ayaa sheegay in wada shaqeynta ka dhexeysa dowladda sare iyo ismaamullada ay horseedi doonto in la shaqaaleysiiyo oo tababarro la siiyo 100, 000 oo ah dadka si iskood ah uga shaqeeya caafimaadka bulshada ee tuulooyinka.
Senatarka ismaamulka Uasin Gishu ayaa kulan uu ku qabtay Murang’a ka sheegay in sanad maaliyadeedkan lacago loo qoondeeyay qalabeynta isbitaallada ah heerarka 1-aad iyo 2-aad
This Post Has 0 Comments