Skip to content

Guddoomiyaha Shabeellaha Hoose oo sheegay in tallaabo laga qaadi doono dadka Isbaarada dhigta

By isxaaq Rashiid Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Maxamed Ibraahim Barre oo ku sugan degmada Walanwyen ee Gobolkaas ayaa ka hadlay Shaqaaqadii dhawaan ka dhacday duleedka degmada Walanweyn, tas oo u dhaxeysay Ciidamada Koonfur Galbeed iyo Kooxo Maleeshiyo Beeleed ah.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in Shaqaaqadaas ay ka dambeysay kadib markii maleeshiyaad hubeysan oo uu degaanka keenay Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ay isbaaro dhigteen duleedka degmada Walanwyen, hayeeshee ay weerareen Ciidamada Koonfur Galbeed oo uu hoggaaminayay Wasiirka Amniga KGS Xasan Cabduqaadir Maxamed.

Wuxuu hadalkiisa uu intaasi ku daray in marnaba aan la ogolaan doonin in degaannada Gobolka Shabeellaha Hoose la dhigto Isbaaro, isla markaana Maamulka Koonfur Galbeed uu tallaabo ka qaadi doono Dadka dhigta Isbaarooyinka.

Hadalka Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Maxamed Ibraahim Barre ayaa kusoo aadaya xilli dhawaan Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow uu sheegay in la weeraray qaar kamid ah Ciidamadiisa, hadii aan laga jawaabina uu xoog ku qabsan doono degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top