skip to Main Content

Gudiga dib u eegista Dastuurka ee Baarlamaanka oo la wareegay nuqulka dastuurka

By isxaaq Rashid Guddiga dib u eegista iyo La-socodka Hirgelinta Dastuurka ee Baarlamaanka ayaa maanta kala wareegay Guddiga madaxa bannaan ee Dastuurka KMG ah soo-jeedinnada nuqulka kama danbaysta ah oo lagu soo dhafay talooyinkii iyo aragtiyihii mudanayaasha labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka oo lagu soo bandhigay nuqulka kama dambaysta ah ee cutubyada 1aad – 4aad ee Dastuurka KMG ah ee ka soo gudbay marxaladda labaad, isla markaana waxaa loo dul istaagay  qodob qodob

Sidoo kale waxay hubinayeen habka loo soo qaabeeyay looguna badalay luqad dastuur aragtiyadii iyo soo-jeedinnadii Mudanayaasha labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top