By isxaaq Rashiid Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cabdiraxmaan Abshir (Qaanqaa) ayaa sheegay sababaha dalkooda loogu celinayo…
Gudoomiye Madaale oo ka laabtay Amar uu ku soo rogay Gaadiidka Xamuulka ah
By isxaaq Rashid Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kormeer ku tagay Dekkada weyn ee Magaalada Muqdisho, halkaasi oo uu shir kula qaatay Hey’addaha kala gedisan ee ka howlgala Dekkada Muqdisho.
Shirka inta uu socday ayaa la isla gartay in la sameeyo guddi kasoo shaqeeya is-waafajinta Shaqooyinka ka socda Dekkada Muqdisho, Waqtiga Dekkada ay kasoo bixi karaan isla markaana ay geli karaan Gawaarida waaweyn ee xamuulka ah iyo waqti ay Gawaarida Xamuulka mari karaan wadooyinka Caasimadda si loo bad-baadiyo Nafta iyo Maalka Muwaadinka.
Guddigaan ayaa shaqeyn doonna inta ka harsan Bisha Barakeysan ee Ramadaan, iyadoona waqtigaasi kadib lasoo saari doonno hanaanka maareynta wado marista Gawaarida waaweyn ee Xamuulka iyo Waqtiga ay Gawaarida Xamuulka geli karaan, kana soo bixi karaan Dekkada Muqdisho.
Dhawaan ayay ahayd markii Isgoyska Jubba ee Magaalada Muqdisho uu ka dhacay shil Gaari oo sababay dhimasho iyo dhaawac ka dib markii Gaari Weyn oo nuuca Xanuulka oo ka yimid Dekadda Wey nee muqdisho uu ku dul rogmaday Gaari Homey ah oo waday dad shacab ah.
This Post Has 0 Comments