skip to Main Content

Hanti-dhawrka guud ee qaranka oo awaamiir culus dul dhigay hay’adaha dowladda

by abdinajib abdullahi

Muqdisho (Boundless media) – Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka Axmed Ciise Guutaale ayaa soo saaray awaamiir cusub oo hay’addaha dowladda federaalka uu ku farayo in ay diiwaan-geliyaan hantida dowladda ee gacantooda ku jirta muddo soddan cisho gudahood ah.

Hantidhawrka Guud ayaa waxa uu ka digay in hantida guurtada iyo ma-guurtada ee dowladda uusan jirin shakhsi ama cid shakhsiyad qaanuuneed leh oo si gaar ah u yeelan karta, xataa bixin karta ama iibin karta, islamarkaana hantida Qaranka aan loo isticmaali karin wax ka baxsan danta guud.

Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka ayaa waxa uu faray hay’addaha dowladda in dhamaan hantida guurtada iyo ma-guurtada ay hay’ad kasta ku darto liiska hantida, iyada oo hantidaas lagu diiwaan-gelinaya magaca hay’adda kasta.

“Hay’ad kasta waa inay diyaariso liiska hantida (gaadiidka iyo hantida fudud) ee ka maqan gacanta hay’adda 1-Hantida ogolaansho rasmi ah uga maqan hay’adda iyo cidda haysata iyo 2-Hantida ogolaansho la’aan hay’adda uga maqan iyo cidda ay ku maqan tahay.”

Sidoo kale waxa uu hay’addaha dowladda ka dalbaday in ay diyaariso hay’ad kasta dhamaan liiska hantida dowladda ee leedahay iyo xaalka ay ku sugan yihiin, iyada oo loo kala saarayo; Hantida ku jirta gacanta hay’adda, Hantida ka maqan gacanta hay’adda, Hantida kireysan iyo Hantida banaan iyo midda kiro/fasax la’aanta lagu degan yahay.

Hantidhawrka Guud ee Qaranka ayaa hay’addaha dowladda u qabtay muddo 30 cisho gudahood ah inay ku diiwaan-geliyaan hantida dowladda, ayaga oo weliba kasoo diiwaan-gelinaya Wasaaradda Maaliyada, islamarkaana usoo gudbiyaan xafiiska Hantidhawrka Guud dhamaan macluumaadka hantida.“Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka waa in hay’adduhu kasoo diiwaan-geliyaan dhamaan heshiisyada hantida hay’adda ee la kireeyay,” ayaa ugu dambeyntiina lagu yiri qoraalka kasoo baxay Hantidhawrka Guud.


Back To Top