By isxaaq Rashiid Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cabdiraxmaan Abshir (Qaanqaa) ayaa sheegay sababaha dalkooda loogu celinayo…
Hawlgal laga sameeyay xaafado ka tirsan Baydhabo
By isxaaq Rashid Guddoomiyaha gobolka baay Maxamed isxaaq xasan (Caracase) Taliyaha qeybta booliska gobolka baay, Xildhibaano ka tirsan barlamaanka Koonfur Galbeed Gudoomiyaha deegaanka Owdiinle Iyo saraakiil kale oo u kuurgalaya xaaladda amni ee caasimadda kumeel gaarka koonfur galbeed ayaa caawa kormeerey rugaha ciidanka booliska ay ku leeyihiin xaafaha magaalada Baydhabo.
Mas’uuliyiintaan iyo Ciidamada ay wateen ayaa howlgallo ka sameeyay Xaafadaha qaar ee Magaalada Baydhabo, kaas oo ay sheegeen in uu aha amid lagu xaqiijinayay amniga Guud ee Magaalada.
Gudoomiye Caracase ayaa ku bogaadiyey Ciidanka booliska shaqada ay u hayaan shacabka ku dhaqan degmada baydhabo iyo guud ahaan deegaanada koonfur galbeed, isaga oo ugu baaqay inay laba jibaaraan.
Magaalada Baydhabo oo ah Xarunta Kumeel gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa degan Madaxda ugu sareysa Maamulkaas, iyad aoo amnigeeda ay ilaaliyaan Ciidamada Itoobiya eek amid ah howlgalka ATMIS, Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Koonfur Galbeed
This Post Has 0 Comments