skip to Main Content

Hay’adaha Amniga oo soo qabtay shaqsiyaad lagu Eedeeyay Weerarkii Hotel SYL

By isxaaq RashidHay’adaha Amniga  ee dowladda oo gacanta ku haya galbaariseedka weerarkii AS ay ka gaysteen Hotel SYL waxa ay gacanta ku dhigeen 16 eedeysane oo ku lug lahaa weerarkaas.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa ku guulaysatay in ay soo qabato Abdinasir Daahir Nuur oo ahaa shaqsigii suurta-galiyay in magaalada Muqdisho ay soo galaan Gawaarida falka argagixiso lagu gaystay.

Sidoo kale dadka la qabtay waxaa ka mid ah illaa iyo Afar eedeysane oo ku diiwaan gashan milkiyadda labada Gaari ee AS  u adeegsatay weerarka Hotelka SYL.

Waxaa kale oo baaris ay ku socotaa Shan xubnood oo ka tirsan ciidanka ammaanka dowladda kuwaas oo ka shaqaynayay baraha baaris ee Alshabaab ay ka soo gudbeen.

Shacabka Soomaaliyeed waxaa  lala wadaagi doonaa caddaymo dhammaystiran kuwaas oo  muujinaya dhagarta Shabakaddan Alshabaab ka tirsan iyo gungaarka hay’adaha baarista.

Dhammaan Shabakadda  Alshabaabka ka ah ee la qabtay iyo eedeysaneyaasha kale ee loo haysto kiiskan waxaa loo gudbin doonaa Maxkamadda shaqada ku leh, waxaana ay hortagi doonaan cadaaladda ayaa lahu yiri’  warkan ka soo baxay Dawlada Soomaaliya .

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top