skip to Main Content

IEBC oo ammaantay sida ay doorashada isugu diiwaangelinayaan dadweynaha Garissa

By Abdinajib Abdullahi

Guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduuddada wadanka ee IEBC ,Wafula Chebukati oo socdaal ku tagay ismaamulka Garissa ayaa ammaanay sida shacabka ku nool dowlad deegaankaasi ay ugu soo baxayaan inay isku diiwaangeliyaan doorashada guud ee Kenya ka dhacaysa 9-ka bisha siddeedaad ee sanadkan.
Waxaa uu sheegay in ilaa iyo hadda gudaha Garissa laga diiwaangeliyay codbixiyeyaal dhan 8,736 qof.
Guddiga IEBC ayaa qorsheynaya inuu ismaamulka Garissa ka diiwaangeliyo 24,900 oo ruux.
IEBC ayaa caqabadaha dhanka diiwaangelinta ee Garissa ku sheegtay in qaar ka mid ah dhallinyarada aynan haysan aqoonsiga qaran, wacyigelinta oo hooseysa,shacabka oo aan daneynin isdiiwaangelinta iyo saameynta abaarta.
Mr.Chebukati ayaa sheegay in maadaama ay dhawaan aqoonsiga qaran heleen dhallinyaro badan oo ku nool ismaamulkaasi ,inay u soo baxaan diiwaangelinta.
Waxaa uu ku celceliyay in diiwaangelinta ay si habsami leh u socoto guud ahaan dalka isagoo tilmaamay in tallaabada xigta ay tahay maareynta isreebreebka xisbiyada ay ku kala xulanayaan musharraxiinta.
Madaxa IEBC ayaa shakhsiyaadka xilal doonka ah ugu baaqay inay xisbiyadooda si nabad ah taageero ugu raadsadaan.
Waxaa uu xusay in iyagoo kaashanaya waaxda dacwad oogidda , guddiga qaran ee isdhexgalka iyo mideynta shacabka ee NCIC iyo hay’adaha kale ee ammaanka ay si dhow ula socon doonaan habdhaqanka siyaasiyiinta si kuwa ku howlan kicin dadweyne tallaabo sharciyeed looga qaado.
Wafula Chebukati , guddoomiyaha guddiga doorashooyinka ee Kenya ayaa dhanka kale caddeeyay inaynan kordhin doonin muddada wajiga labaad ee diiwaangelinta.
Barnaamijkan oo soo billowday 17-kii bishii hore ayaa la soo gabagabeyn doonaa 6-da bishan labaad.
Chebukati ayaa xusay inay ka cabsi qabaan inaysan haleelin bartilmaameedsigoodii dhanka diiwaangelinta.
Hasa ahaate guddoomiyaha IEBC oo tilmaamay in labadii toddobaad ee ugu dambeeyay ay diiwaangeliyeen 548,188 qof ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in kenyaanka ay ka faa’iidaysan doonaan maalmaha dhiman ee barnaamijkan.

xaquuqda weydhowrantahay:Boudless media

Back To Top