skip to Main Content

IEBC oo sheegtay inay diyaar u tahay doorashada ku celiska ee Garissa

By Abdinajib Abdullahi

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee (IEBC) ayaa sheegay inuu si buuxda ugu diyaar garoobay maareynta doorashada ku celiska ee deegaan baarlamaneedka Garissa Township ee ismaamulka Garissa oo la qaban doono 5-ta bisha koowaad ee sanadka soo socdo.
Prof. Cabdi Yaaquub Guuliye oo ka mid ah saraakiisha sar sare ee IEBC ayaa sheegay inay soo gabagabeeyeen tababaridda saraakiisha maareyn doono codeynta iyo ku xigeenadooda.
Waxaa uu Guuliye codbixiyeyaasha Garissa Township ugu baaqay inay si wayn ugu soo baxaan doorashada oo ay nabadgalyada ku dadaalaan.
Waxaa uu sheegay in IEBC ay dhexdhexaad ka noqon doonto doorashada sidaas awgeedna aan loo baahnayn in lagu dagaallamo.
Guddoomiyaha dowladda dhexe ku matalo Garissa Boaz Cherutich ayaa isna sheegay in maalinkaasi amniga si wayn loo adkeyn doono iyadoo saraakiisha ammaanka ay roondooyin sameynayaan.
Xilkan ayaa bannaanaaday ka dib markii Aadan Barre Ducaale oo muddo dheer deegaankaasi xildhibaan ka ahaa loo magacaabay wasiirka gaashaandhigga ee dalka.

xaquuqda weydhowrantahay:BoundlessMEdia

Back To Top