By isxaaq Rashiid Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto madaxweyne uu Cafis Guud u…
In ka badan 1,500 oo qof oo lagu xiray Netherlands
by abdinajib abdullahi
Nertherland(Boundless media)_Saraakiisha booliiska ee dalka Netherlands ayaa gacanta ku dhigay ugu yaraan 1,500 qof ka dib dibadbax ay sameeyeen kooxda u ololeysa arrimaha cimillada iyo la tacaalidda isbeddelka ku yimaada ee magaalada Hague.
Dibadbaxayaasha ayaa xiray qayb ka mid ah waddada ugu muhiimsan magaaladaasi.
Ciidamada booliiska ayaa laga soo xigtay in 40 ka mid ah 1,579-ka qof ee la xiray lagu soo oogi doono dacwad ku saabsan inay burbur gaysteen.
Booliiska ayaa intaasi ku daray in intii dadkan la qabanayay uu mid ka mid ah dibadbaxayaasha dhibaateeyay askari.
Wakaaladda wararka ee ANP ayaa ku warramaysa in mudaaharaadka uu ahaa midkii Toddobaad ee la xiriira cimillada oo ka dhacay magaalada Hague oo loo xiray dadkii ugu tirada badnaa.
xaquuqda weydhowrantahay:Boundless media
This Post Has 0 Comments