skip to Main Content

In kabadan badh dhaliyarta Maine ayaa qaatay talalka qaybtii hore

Ridwan Ali

Aduun weynaha, dalinta 18ka sano ka yar, boqolkiiba afar iyo toban ayaa qaatay talalka ugu horeeyay sida ku xusan Mayo Clinic.

Dhalinyarta iyo 12 jirada Gobalka Maine, boqolkiiba kontan ayaa qaatay talalkoodi ugu horeeyay ayaa la sheegay. In ka badan saddex-meelood laba meel dadka Maine ee da’deeda gaadhay inay helaan tallaalka coronavirus ayaa helay talaalkoodi ugu dambeyay. Taasi waa mid ka mid ah boqolleyda ugu sarreeya dalka.

Gobolku wuxuu sii wadaa xayayaiintii inuu kor u qaado talal qaadashada iyo goobaha lagu bixiyo ee gobolka. Bulshada Dhaqamada-kala-duwan iyo Adeegyada Taageerada Qoyska ee Lewiston ayaa martigaliyay mid ka mid ah maalintii Axaddii oo sidoo kale ahayd jalaatada bulshada.

In kasta oo heerka tallaalka gobolku sarreeyo, haddana kiisaska fayraska ayaa kor usoo kacay dhawaanahan, sida ka jirta waddanka oo dhan. Celceliska toddobadka ee kiisaska cusub ee maalin kasta ka dhaca Maine ayaa ka kordhay labadii toddobaad ee la soo dhaafay, waxay ahaan jirtay 20.57 kiis oo cusub maalin halka luulyo 17 ay 36.57 kiis oo cusub maalintii noqotay. Dhimasha todobaadkuna waxay ahaan jirtay 0.29 maalintii halka ay tahay dhimashadu tahay hada 2.86 maalintii.

Maine CDC waxay soo saartay maalintii isniintii inay 69,000 qof ay qaadeen qudurka COVID-19 halka 882 ay u dhinteen sida ay gobalku sheegeen.

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top