Skip to content

Isbeheysiga Azimio oo dalbaday inay is casisho madaxa xafiiska diiwaangeliya xisbiyada

By Ayanle Dhiire (Boundless Media)

Isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja -One Kenya ayaa dalbanaya inay is casisho Ann Nderitu oo ah madaxa xafiiska diiwaangeliya xisbiyada siyaasadeed ee dalka.

Mucaaradka ayaa haweeneydan ku dhaliilay qaabka ay u wajahday muran ka dhex jiro xisbiga Jubilee ka dib markii ay ansixisay xilal laga qaaday mas’uuliyiin uu ka mid yahay xoghayaha guud ee Jubilee Jeremiah Kioni.

Bayaan uu warbaahinta u akhriyay wasiirkii hore ee gaashaandhigga Eugene Wamalwa ayaa lagu sheegay in Ann Nderitu ay carqaladeynaysa madax bannaanida xisbiyada halkii la rabay inay badbaadiso jiritaankooda

Siyaasiyiinta Azimio ayaa intaasi ku daray in xisbiyada siyaasadeed aynan ku kalsoonayn Nderitu!

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top