Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa xalay noqotay xarunta rasmiga ah ee maamul cusub oo…

Isdiiwan galinta doorashooyinka oo jowhar ka bilowday iyo Cali guudlaawe oo kamid noqday
Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta iska diiwaan-geliyey hannaanka doorasho qof iyo cod ee guud ahaan laga hirgelinayo dalka.
Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorrashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa magaalada Jowhar ee caasimada Dowladda Hirshabeelle waxa ay ka hirgaliyeen xaruntii ugu horeysay oo lagu diiwan-gelinayo dadka ka qeybgalaayo doorrashada.
Dadka ayaa doonayo inay ku ciil-baxaan codkooda waxaan si siman oo ay madax ku jirto loogu dareeray diiwan-gelinta doorashada.
“Shacabka Soomaaliyeed iyo bulshada Hirshabeelle maanta waxa ay heystaan fursadii ugu wanaagsaneyd, waxaan ku faraxsanahay inaan maanta u soo istaago xuquuqdeyda muwaadinimo.” Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa dardaarankan u jeediyey dadweynaha u jiheystay doorashada.
Guud ahaan degmooyinka iyo deegaanada Dowladda Hirshabeelle ayuu gaari doonaa hannaanka doorrashada dib loogu celinayo dadweynaha.