Skip to content

Israa’iil oo xorriyadiisa u soo celisay madaxa isbitaalka Al-Shifa ee Qasa

By isxaaq Rashiid Israa’iil ayaa sii deeysay madaxa isbitaalka ugu weyn Qasa ee Al-Shifa, Dr Mohammed Abu Salmiya I oo muddo 7 bilood oo xabsiga ay ku haysay,.

Mas’uulkan ayaa  soo bandhigay tacadi badan oo xabsiyada Israa’iil loogu geysto Falastiiniyiinta, wuxuu xaqiijiyay daryeel xumo inay qaar ka mid ah shaqaalaha caafimaadka ee la xiray ugu dhinteen xabsiyada Israa’iil, halka maxaabiista nool ay aflagaado, jirdil iyo biyo la’aan kala kulmaan xabsiyada.

Israa’iil ayaa markii ay xiraysay Dr Maxamed , waxay ku eedeysay inuu maamullo isbitaal ay u adeegsadaan Xamaas saldhig iyo xafiisyada hoggaanka, balse bilooyin ay burburin iyo baaritaan ka wadeen ma jirin wax caddeynaya inay isbitaalka adeegsadaan Xamaas oo ay soo bandhigeen.

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top