Skip to content

Jigjiga oo laga billabay Ol’olaha talalka kahortaga Cudurka jaddecada!

By Ayanle Dhiire 

Ol’olaha talaalka kahortaga cudurka jadeecada oo lagu talaalayo caruur dhan 160 kun ayaa ka billowday Maamulka Magaalada Jigjiga.

Talaalkan oo la siinayo caruurta da’doodu u dhaxayso 6 bilood ilaa 10 sano ayaa ah mid lagaga hortagayo cudurka jadeecada oo halisku ah caruurta .

Duqa Maamulka Magaalada Jigjiga Eng.Siyaad Cabdi oo ka hadlay furitaanta talaalkani ayaa sheegay in bulshada magaalada Jigjiga loo baahanyahay in ay ka faa’iidaystaan talaalkan oo waxtar u leh badqabka caafimaadka caruurta

Fulinta talaalkan oo ay iska kaashadeen xafiiska caafimaadka maamulka magaalada Jigjiga iyo kan heer deegaan ayaa ka socda goobo badan oo magaalada Jigjiga ah oo ay ka mid yihiin xaafadaha iyo xarumo kala duwan oo ay diyaar ku yihiin xirfadlayaasha caafimaadka ee talaalka fulinaya!

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top