By isxaaq Rashiid Ra’iisul Wasaaraha XukuumaddaFederaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa dhagax dhigay xarunta Wasaaradda…
Jubbaland oo war ka soo saartay Weerarkii Baardheere iyo howlgallo socda
By isxaaq Rashiid Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Shir gudoomiyay Kulanka golaha Wasiirada Jubbaland oo ka qabsoomay magaalada Kismaayo, kaas oo lagaga hadlay qodobo kala duwan.
Ugu horayn golaha ayaa tacsi u diray dadkii ku waxyeeloobay qaraxii Shalay Al-Shabaab ay ka gaysteen Degmada Baardheere ee Gobolka gedo, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.
Golaha ayaa u duceeyay dadkii halkaas ku geeriyooday iyagoo alle caafimaad taam ah uga baryay Kuwa dhawaaca ah.
Golaha ayaa bogaadiyay howlgalka la isugu furayo degmooyinka gobolka Jubada Hoose iyadoo Wasaarada amniga ay ka warbixisay howlgalka Sida uu u socdo iyadoo Ciidamada Jubaland iyo Kuwa Xooga dalka ay guulo Waa weyn ka gaareen isla markaana isku socodka Inta badan gobolka uu caadi kusoo noqday.
Wasaaradda Howlaha Guud ayaa soo gudbisay labo sharci oo kala ah sharciga Maareynta dhulka iyo sharciga Siyaasadda Fasaxa dhulka Jubaland oo golahu uu akhriskii koobaad kasoo samaynayo isla markana fadhiyada soo socda lagaga doodi doono.
Wasaaradda Haweenka & Xuquuqul Insaanka ayaa ka warbixisay xarumo lagu hormarinayo xirfadaha iyo aqoonta haweenka oo laga hirgaliyay Magaalada Kismaayo si Shaqo abuur loogu
This Post Has 0 Comments