By isxaaq Rashiid Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cabdiraxmaan Abshir (Qaanqaa) ayaa sheegay sababaha dalkooda loogu celinayo…
Kalfadhiga 5aad ee Labada Aqal Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta Furmaya
By isxaaq Rashiid Waxaa maanta xarunta golaha shacabka ka furmaya kalfadhigga 5-aad ee labada Aqal Baarlamaanka Soomaaliya .
Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furaya kalfadhigga, isagoo ka jeedi doona khudbad la wada sugayo.
Madaxweynaha ayaa lagu wadaa in kulanka maanta uu ka jeediyo khudbad xasaasi ah, wuxuu mar kale si adag uga hadli doonaa damaca Itoobiya uga jira badda Soomaaliya iyo arrimo kale oo masiiri ah, sida dastuurka.
Dhinaca kale, Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in kalfadhiyada soo socda lagu dhameystiri doono qodobbo muhiim ah oo ay ku jiraan arrimaha dastuurka.
Guddooiyaha Golaha Baarlamaanka ayaa sheegay in xildhibaanada Golaha shacabka ay ka doodi doonaan hindise sharciyeedyo.
Sheekh Aadan Madoobe ayaa xusay in kalfadhiyadii hore lagu ansixiyay shuruuc badan oo ay kamid ahaayeen La dagaalanka argagixisada,kuwo khuseeyay arrimaha bulshada , dhaqaalaha iyo kuwo kale.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka waxa uu ugu dambeyntii faray shacbiga Soomaaliyeed in ay u midoobaan la dagaalanaka Alshabaab ,isla markaana ay gacan ka geystaan horumarka dalka
This Post Has 0 Comments