Skip to content

Kenya 71 sano jir lagu helay in uu fara xumeyay gabadh 2 sano jir ah oo la xukumay

By Ayanle Dhiire 

Maxkamad ku taalla magaalada Eldoret ee ismaamulka Uasin Gishu ayaa oday 71 sano jir ah ku xukuntay xabsi daa’in.

Tani ayaa timid ka dib markii lagu cadeeyay inuu faraxumeeyay gabadh da’deedu lagu sheegay 2 sano.

Ninkan xukunka lagu riday ayaa lagu magacaabaa Lucas Omusule.

Waaxda dacwad oogidda oo uu hoggaaminayay Jamlick Muriithi ayaa maxkamadda hor keenay afar qof oo marqaati ah oo uu ka mid yahay dhakhtarii xaqiijiyay xadgudubka lagula kacay gabadha yar.

Garsoore Christine Menya ayaa sheegtay in saraakiisha dacwad oogidda ay soo bandhigeen caddeymo aan shaki la gelin karin.

Faraxumeynta ayaa dhacday intii u dhexeysay bishii Shanaad ee sanadkii 2021-kii iyo afartii bishii Lixaad ee sanadkii hore.

Lucas Omusule ayaa waxaa horay loogu xukumay 40 sano oo xabsi ah ka dib markii lagu soo oogay inuu faraxumeyn ka gaystay xaafadda Huruma ee magaalada Eldoret.

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top