Skip to content

Kenya- DCI oo xirtay 9 qof oo lagu eedeyay khiyano maliyaded

By Ayanle Dhiire 

Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa gacanta ku dhigtay sagaal eedeysanayaal oo u badan shaqaalaha shirkadda Njiwa Sacco oo lala xiriirinaya wax isdaba marin lacageed oo gaaraysa 160 milyan oo shilin.
Tuhmanayaasha ayaa la soo qabtay ka dib howlgal ay sameeyeen laamaha kala duwan ee ammaanka oo ay qayb ka ahayd laanta sirdoonka ee NIS.
Eedeysanayaasha ayaa kala ah Amos Kipchumba oo shirkadad u qaabilsan dhanka hanti dhowrka, maareeyaha amaahda Violet Wali, Caren Langat oo xisaabiye ah , Hamisi Zaunga iyo Miriam Nthenya oo gacanta ku haya hannaanka maaliyadeed.
Waxaa sidoo kale la xiray Tony Wabomba, Nicodemus Osiemo , Eric Rono iyo Moses Ntoinya.
DCI-da ayaa laga soo xigtay in sagaalka eedeysanayaal berri maxkamadda la soo taagi doono.

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top