Skip to content

Kenya Kwanza oo soo magacowday Xubnaha ku matalaayo wadahadalada siyasaded!

By Ayanle Dhiire 

Isbeheysiga wadanka hoggaamiya ee Kenya Kwanza ayaa soo magacaabay shan xubnood oo uga qayb qaadan doono wada hadallada la rajeynaya inay la yeeshaan dhigooda mucaaradka.
Waxaa xubnahan madax looga dhigay hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka Kimani Ichun’gwah oo ay la shaqeyn doonaan dhigiisa aqalka sare Aaron Cheruiyot, barasaabka ismaamulka Embu sidoo kalena ah guddoomiyaha xisbiga UDA Cecily Mbarire, Xasan Cumar oo ka mid ah xildhibaannada golaha xeer dejinta ee bariga Afrika ee EALA iyo wakiilka haweenka ee ismaamulka Bungoma ,Catherine Wambilanga oo ka tirsan xisbiga Ford-Kenya.
Dhanka kale hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka ayaa isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya ku dhaliilay inaynan tixgelin codsi uu u gudbiyay madaxweynihii hore ee dalka Nigeria Olusegun Obasanjo oo ahaa inaynan ku soo magac qaadin meelaha fagaaraha iyo farriimaha guud.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii garabka mucaaradka ee dalka ee Azimio uu soo saaray liiska shakhsiyaadka ku matalaya wada hadallada waxaana hoggaaminaya maxada xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka halka ay xubno ka yihiin hoggaamiyaha siyaasiyiinta laga tirada badan yahay ee baarlamaanka Opiyo Wandayi , xildhibaannada deegaanka Malindi Amina Mnyanzi, madaxa xisbiga DAP Eugene Wamalwa iyo senatarka ismaamulka Nyamira Okong’o Omogeni!

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top